Xoggo Faahfaahinaya Heshiis Buuxa Oo Laga Gaadhay Murankii Xajka Sanadka 2018-ka
July 25, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com0-Wasaaradda Aawqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya iyo shirkadaha diyaaradaha ee ka daneeya ama ka ganacsada arimaha Xajka ee sanadkan 2018-ka,ayaa waxa ay hehsiis ka gaadheen khilaafkii ka dhashay arimaha xajka.

Ku simaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa shaaciyey in madaxda shirkadaha duulimaadyada ay go’aan ka gaadheen khilaafkii ka dhex oognaa, isla markaana shan shirkadood ay sanadkaan duulimaadyada ka qeyb qaadan doonaan.