Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Mid Ka Mid Ah Wasaaradaha Xukuumada Madaxweyne Biixi Iyo Wasiirkii Oo Qarka U Saaran Inuu Iscasilo
July 26, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khilaaf adag ayaa soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada horu marinta caafimaadka somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in khilaafka masuuliyiinta wasaarada caafimaadku uu salka ku hayo agaasime waaxeedyo uu wasiirku xilka ka qaaday kuwaas oo gabi ahaanba diiday inay fuliyaan digreetada wasiir Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf.