Kal-fadhigii 17-aad Ee Golaha Wasiirada Somaliland oo Lagu Gorfeeyey Arrimo La Xidhiidha Amniga, Arrimaha Bulshada iyo Hirgelinta Mashruucii Shaqo Qaran
July 27, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kal-fadhigii 17-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta (26/07/2018) lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xidhiidha dhinaca amniga, horumarinta arrimaha bulshada iyo hirgelinta mashruucii shaqo qaran.
Goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku dheeraatay xaaladda guud ee nabadgelyada qaranka.
Iyadoo laga duulayo qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII), waxa uu goluhu isla qaatay in lasoo horumariyo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, kalluumaysiga, xannaanada xoolaha, iyo waddooyinka.