Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Qiray Xuquuqda Somaliland, Gefkii Laga Galay Iyo In Aanay Soomaaliya Rejo Lahayn Intay Ka Maqan Tahay
July 27, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Sanatar Axmed Xaashi Maxamuud oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in aanay Soomaaliya rejo lahayn inta ay Somaliland ka maqan tahay, sidaasi awgeedna wax kasta oo ay Soomaaliya sameysana uu yahay ku meel gaadh.
Sanatar Axmed Xaashi Maxamuud oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in aanay Soomaaliya ku meel gaadhka ka bixi Karin oo aanay Dastuur yeelan karin, ilaa inta aan xal laga gaadhin arrinta Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland, inta la leeyahay way maqantahay dastuur rasmi ah Soomaaliya ma yeelan karto, waayo xudduudeenu waa tii lixdankii oo ayna maanta (Dawladda Soomaaliya) gacanta kuma hayso, wada hadalo (Somaliland iyo Soomaaliya) way socdaan, markaa haddii dastuur la sameeyo waa Soomaaliya ayaa sii goosatay, sidaasi awgeedna wax kasta oo aynu sameynaa waxa uu noqonayaa ku meel gaadh, waayo Somaliland hadda ka mid ma aha dawladda Federaalka Soomaaliya, sidaasi darteedna federaalku waa ku meel gaadh”. Waxaanu intaasi uu ku daray, “Somalialnd ilaa midowgii ay la yeelatay Soomaaliya way jirtay tabashadoodu oo qalad ayaa laga galay, markaa Somaliland iyaga dadka Soomaalida ah ugu soomaalisan ilaa ay yimaadaan mooyee Soomaaliya rejo ma laha”.