Somaliland Oo Indhaha Ku Haysa In Dekedda Berbera Ay Kaalin Muhiim Ah Ka Qaadato Ganacsiga Badda Cas
July 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wakaaladda wararka ee AFP ayaa maanta daabacday warbixin ay kaga hadashay sida Jamhuuriyadda Somaliland ugu heellan tahay inay dekedda Berbera noqoto marinka ugu muhiimsan ee ganacsigabadda cas.
Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta AFP oo werisay in magaalo xeebeedda Berbera ay si tartiib-tartiib ah isu beddelayso oo ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso maraakiibka mara badda cas, iyadoo himiladaasi tahay mid Somaliland ku gaadhi doonto barwaaqo iyo horumar.