Soomaaliya Iyo Eritrea Oo Heshiisyo Kala Saxiixday Iyo Nooca Uu Yahay Heshiisku
July 30, 2018 - Written by Berbera Today
Asmara(Berberatoday.com)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo saddexdii maalmood ee tagey ay wada-hadallo uga socdeen magaalada Asmara ayaa kala saxiixday heshiis afar qodob ka kooban, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.

Afarta qodob ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen ayaa kala:
1-Soomaaliya waxaa lagu maneystay inay ku taal bar istaraatiiji ah iyo kheyraad daabiic ah. Si kastaba, waxay dhibaato kala kulantay ka faa’iideysashadooda sababo la xidhiidha dhibaato gudaha ah iyo faragelin dibedda ah. Sidaas darteed Eritrea waxa ay si xooggan u taageereysaa madaxbannaanida siyaasadeed, qarannimo iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaallada dadka iyo dowladda Soomaaliya ay kusoo celinayaan heerkii ay Soomaaliya xaqa u lahayd, iyo ku guuleysashada hadafyada ay dadka Soomaaliyeed ku faanaan.