Guurku Waxa Uu Ka Hortag Fiican U Noqon Karaa Isku Dhexdaadashada Maskaxda Iyo Asaasaqa
July 31, 2018 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub ayaa shaaca ka qaadday in doobabka/gaashaantimaha iyo dadka lammaanahoodu ka dhinto ama kala tageen iyaga oo weli yar, ay marka ay weynaadaan halis u yihiin cudurka maskaxda isku dhexdaadiya ee asaasaqa. Cilmibaadhayaashan oo lafagur iyo gorfayn ku sameeyey natiijada 15 cilmibaadhisood oo hore loogu sameeyey sababaha keeni kara cudurka asaasaqa. Waxa kale oo ay baadheen xaaladda qoysnimo ee in ka badan 8 boqol oo kun oo qof oo u dhashay Yurub, Woqooyiga Ameerika iyo Koonfurta Aasiya.