Telefishanada Madaxa Banaan Ee Somaliland Oo Qaatey Go,aan Ka Dhan Ah Wararka Madtooyada Iyo Xukumada Muuse Biixi Cabdi
August 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com0-War soo gaadhay Warbaahinta madaxa banaan ayaa sheegaya in telefishanada madaxa banaan ee Somaliland ka hawl galaa ay go,aansadeen in aaney qaadanin wararka Madaxweyne Muuse Biixi ee ka soo baxa xarunta madaxooyada Somaliland ee hargeysa .
Warkan oo ay warbaahin u xaqiijiyeen qaar ka mid ah madaxda telefishiinadani ayaa waxaa ay u noo sheegeen in sababta ay u joojiyeen ay tahay ka dib markiiTv-yada loogu yeedhi wayey wararka madaxtooyada ka jira , balse taas badelkeeda barta YouTube ka loo soo galiyo lana yidhaa kala baxa oo ka dawload garayst.