Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Somaliland Yurub Abiib Oo Sheegtay Inaanay Jirin Cashuur Gobol Leeyahay Oo Gobol Kale Lagu Naasnuujiyaa Iyada Oo Daba Socota Hadalkii Maayar Muraadka Burco
August 1, 2018 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in maayirka Burco si toos ah uga horyimi Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Yurub Abiib, oo ah wasiir ku-xigeenka Xannaanada xoolaha Somaliland Iyo Kaluumaysiga ayaa sheegtay in aanay jirin cashuur Gobol laga qaado oo lagu naas nuujiyo gobol kale waxaanay wasiiradu hadalkii maayar Muraad ku tilmaantay mid uu iska yidhi oo aan jirin.
Wasiir Kuxigeenka ayaa sida ka sheegatay mar ay magaalada burco ku suganayd iyada oo wariye katirsan bahda warbaahinta gobolka Togdheer waydiiyay Yurub sababta xoolaha Burco lagu cashuuro magaalada Berbera?Waxaanay Ku Jawaabtay
“Annigu waxa aan aaminsanahay haddii sharciga madaxweyne Cigaal soo saaray inuu sax yahay Cashuur Gobo leeyahay oo Gobol kale looga qaadaan ma jirto xoolaha dhoofayana Dekeda Berbera ayaa lagu cashuuraa waana Dekedii qaranka oo shaqadaas cashuurta wasaarada Maaliyadsa ayaa uxil saaran meel ay joogtaba ” Yurub Abiib.