Wax Iibsiga Maalinta Doobabka Ee Dalka Shiinaha Oo Gaadha $38 Bilyan Iyo Hay’adaha Nadaafadda Oo Ka Cabanaya Korodhka Qashinka Ee Maalintan
August 1, 2018 - Written by Berbera Today

Beijing(Berberatoday.com)-Maalinta doobabka ee dalka Shiinuhu waa maalin u gaar ah xuska dadka dalkaas ee aan weli guursan rag iyo dumarba. Xuska maalintan awgeed waxa ay suuqyadu sameeyaan qiimo dhimis weyn, gaar ahaan wax iibsiga internet ka laga adeegto. Lacag dhan 38 bilyan oo doolar ayaa ay noqotay wadarta lacagtii ay sannadkan u dambeeyey dadka aan guursan oo lagu naanayso, ‘Dadka qalbiga keliya lihi’ ka iibsadeen suuqyada qiimo dhimista u sameeyey.