Dawlada Jabuuti Oo Ku Gacan Saydhay Go’aan U Xaglinaya DP World
August 3, 2018 - Written by Berbera Today
Djibouti(Berberatoday.com)-Dowladda Jabuuti ayaa ku gacan saydhay go’aan ay shalay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London.
Go’aankaas oo ay maxkamaddu ku sheegtay inay khalad aheyd in dowladda Jabuuti ay maamulka iyo gacan ku haynta dekadda Dooraleh ay kala wareegto Shirkadda Dekadaha ee DP World.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Maxkamadda aanay u yeedhin oo dhinacooda aanay dhageysan sidaas daraadeedna aanay khusaynba go’aanka ay soo saartay.
Gudoomiyaha maamulka dekadaha iyo goobaha ka caaggan canshuuraha Abuu Bakar Haadi ayaa sheegay in hore ay shirkadda ugu heshiiyeen in heshiiska ay ka baxaan islamarkana kharashaadkii ka galay loo celiyo.