War Deg Deg Ah”Ciidamo Ka Socda Dawlada Faderaalka Itoobiya Oo La Wareegay Guud Ahaan Magaalada Jig Jiga Iyo Madaxweyne Cabdi Ilay Oo La Sheegay In La Qabtey + Sawiro
August 4, 2018 - Written by Berbera Today
Jig Jiga(Berberatoday.com)-Xaalad cabsi iyo jahwareer ayaa ka taagan magaalada Jigjiga kaddib markii ciidamo saaka ay magaalada qabsadeen.
Wararka waxay sheegayaan in magaalada ay bililiqo ka jirto islamarkaasna aysan jirin cid gacanta ku hayso ammaanka magaaladaas.

Boqolaal qof ayaaa lagu soo warramaya inay ku dhaawacmeen dhacdada ay militariga kula wareegeen magaalada.