Akhriso :- Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Jig Jiga Iyo Goobta Uu ku Sugan Yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar
August 4, 2018 - Written by Berbera Today
Jig Jiga(Berberatoday.com)-Ciidamada Milatariga ee dawlada Federal-ka Itoobiya , ayaa saaka la wareegay xarumaha dawlada deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin Madaxtooyada , xarunta Baarlamaanka iyo Telefiishanka ESTV oo ku hadla afka maamulka .

Warar xog-xogaal ah oo aan ka helay dad xaalada la socda , ayaa sheegaya in talaabada ay qaaday dawlada dhexe ay ka dambaysay , ka dib markii la helay xalay warbixin sheegaysa in Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu qorshaynayo in kaga dhawaaqo go;aan ka dhan Itoobiya kulan uu la yeelan lahaa Baarlamaanka maamulku maanta .