“Somaliland Ahaan Nabad Kasta Oo Ku Soo Korodha Geeska Waanu Soo Dhawaynaynaa”Wasiir Sacad Cali Shire
August 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay xiisada iyo is bedelka Siyaasadeed ee ka bilaabay Wadamada Geeska Afrika, gaar ahaan walaaca Jabuuti ay ka qabto heshiiska Itoobiya iyo Alatariya, iyo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Farmaajo, ee uu ku codsaday in Alatariya laga qaado cuna qabatayna dhinaca Hubka, waxayna Xukuumadda Somaliland, in mawqifkeedu yahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka dhex taagan Mandaqada.
