Daawo Muuqalka”Qaabka Uu Madaxweynaha Dalka Venezuela Uga Bad Baaday Isku Day Dil Oo Diyaarad Drones Ah Loo Adeegsaday
August 5, 2018 - Written by Berbera Today
Venezuela(Berberatoday.com)-Dayaarad ama dayarado nooca drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha la socon, ayaa weeraray goob uu ka jeedinayay qudbad Tv-ga si toos ah looga sii daynayay madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, gudaha magaalada Caracas Sabtidii, waxana la sheegaya in aysan wax dhaawac ah madaxweynuhu soo gaadhin.
Muuqaallo TV-yada laga sii daayay ayaa muujinaya Maduro iyo dad kale oo agtaagnaa oo argagax galay, kadib markii la maqlay qaraxyo. Wax yar kadibna, waxa la arkayay askarta oo ka kala ordeysa safafkii ay ku jireen si ay u helaan meel ay ku gabadaan.