Siyaasiga C/qaadir Obsiiye Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu Hargeysa Ku Marti-qaado Farmaajo, Gaas, Iley Iyo Geelle, Si Isbeddellada Mandaqadda Loogu Midoobo
August 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo loogu yeedho ‘Madaxweynaha Mustaqbalka’ isla-markaana ah Siyaasi reer Somaliland ah oo had iyo jeer ka hadla Arrimaha Dalka iyo Mandaqadda ku soo kordha, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa wuxuu kaga hadlay Xallinta Shaqaaqadii labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhex martay Ceel Af-weyn, waxaanu soo dhaweeyay heshiiska Nabadeed ee labadaa Beelood la kala dhex dhigay.
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye wuxuu amaanay isla-markaana Hambalyo iyo duco u diray Ergooyinkii faraha badnaa ee Muddada ku hawlanaa soo afjaridda Colaaddii dhex taallay Beelaha Walaalaha ah ee Ceel Af-weyn, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan Hambalyo iyo bogaadin u diro Guddigii iyo Ergooyinkii ballaadhnaa ee ka qayb-qaatay Xallinta khilaafaadkii labada Beelood ee wada dega Degmada Ceel Af-weyn, hadday tahay Xukuumad, hadday yihiin Culimo, haddii siyaasiyiin yihiin, hadday yihiin Madax-dhaqameed, hadday yihiin Dhallinyaro iyo Haweenba, waxaan leeyahay Illaahay ha idinka abaal-mariyo. Labada Beelood ee la heshiisiiyey waxaan leeyahay wax badan ayuu soo noqnoqday arrinkaasi waxa fiican inaad ka kortaan oo Dadka Soomaaliyeed ee idiin soo gurmaday ee intay leekaayeen aad arkayseen inaydaan khasaarin oo aydaan ka dhigin ‘Hal bacaad lagu lisay’. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Fiiriyaa ma falo’, Qofku inuu iswaydiiyo waxa uu samaynayo waa muhiim, Waayo? wuxuu helayaa fikirka saxda ah, bal iswaydiiya waxaad Dadkeenii iyo Walaalihiin ku disheen, seedigiin, sodoggiin iyo Walaalihiin oo Muslimiin ah, waxaan qabaa inay tahay macno-darro, waxaan leeyahay yaanu arrinkaasi dib inoogu soo noqonin, waxa la idinka rabaa oo kale Mahad-naqeeda iyo inaan arrintaasi dib inoogu soo noqonin.”