Dalka Thialand”Caruus Ka Baxsaday Haweynaydii Uu Guursaday, Xilli Ay Socotay Xafladii Arooskoodu !
August 5, 2018 - Written by Berbera Today
Bankok(Berberatoday.com)-Dalka Thialand ayaa waxa ka dhacday arrin aad u layaab badan oo ku habsatay haweenay aroosad aheyd, isla markaana xidhatay Taashkii aroosadaha.
Sida lagu baahiyay Wargeyska Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay aroosadan ayaa waxay si toos xaflada arooskeeda ugu baahisay Facebook si ay asxaabteedu ula waddaagaan, balse nasiib darro waxay ku war heshay Arooskii oo soo gali waayey goobtii ay xafladu ka dhacaysay isla markaasina baxsaday.