Cudurka Ebola Oo Mar Kale Ka Dilaacay Wadamo Afrika Kuyaala
August 5, 2018 - Written by Berbera Today
Congo(Berberatoday.com0-Fayraska Ebola ayaa mar kale dib uga dillaacay Bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo, waxaana la rumaysan yahay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya soddon qof.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegaysa in kiisas cusub oo cudurkaas ah laga shakisan yahay in ay kajiraan waqooyiga gobollada Kivu iyo Ituri ee u dhow xuduudda dalka Uganda.