GOBOLKA SELEL: Liyuu Booliiska Kililka 5-aad Oo Isku Urursaday Duleedka Degmada Xariirad & Ciidammada Qaranka Oo Heegan Ku Jira
August 6, 2018 - Written by Berbera Today
Selel(Berberatoday.com)-Warar laga helayo Gobolka Selel ee Somaliland, gaar ahaan Magaalooyinka ku teedsan Xuduudka u dhexeeya Itoobiya ayaa sheegay in habeen hore ay Magaalada Ayshaca gudaha u galeen Ciidammada Milletariga ah ee Federaalka Itoobiya, waxaana halkaa iskaga baxay Ciidammada loo yaqaano Liyuu Booliiska Kililka shanaad oo amniga Magaaladaa Masuul ka ahaa.
Waxa kale oo la soo wariyey in Liyuu Booliisku iskaga baxeen Magaalada Hadhagaale.