Xildhibaan Ka Mid Ahaa Golaha Guurtida Somaliland Oo Geeriyooday
April 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Alle ha u Naxariisto’e waxa habeenkii xalay Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland.
Marxuum Sheekh Khaliif oo Muddooyinkii u dambeeyay Xanuunsanayey, ayaa Xalay ILAAHAY oofsaday sida uu baahiyey Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV).
Marxuum Sheekh Khaliif, ayaa ka mid ahaa Waxgaradkii lagu aasaasay Golaha Guurtida Somaliland isla-markaana illaa Wakhtigaa ku hawlanaa Nabadeyn iyo Wanaag-farista Dadweynaha.