Akhriso Warbixin Iftiimisay Saddex Arrimood Oo Sababay Iscasilaada Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar Iley?
August 6, 2018 - Written by Berbera Today
Jigjiga(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Iley ayaa goor dhaweyd iska casilay xilkii madaxwaynenimo ee uu halkaasi ka hayay, fadhi ay isugu yimaadeen guddiga fulinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa magacaabay madaxwayne cusub oo xilka qaban doona kaasi oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed.
Haddaba maxay yihiin arrimaha keenay in uu xilka iska casilo Mr Iley? Waa su’aasha aanu isku deyi doono in aanu jawaabteda fallan-qeyno.
Magaalooyinka ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ku jiro caasimadda Jigjiga ayaa deggan maalintii labaad kadib qalalaasihii ka dhacay magaaladaasi oo ay ku dhinteen 29 qof, sida ay sheegeen mas’uuluyiinta gobolka, waxaana tan iyo intii uu raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya xilka la wareegay isa soo taraayay caddaadiska dhanka mucaridka iyo dowladda federaalka ahba kaga imanaya madaxwaynaha dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Saddexada arrimood ee keenay in uu xilka ka iska casilo Iley ayaa ah;