Madaxweynihii Xilka Iskacsilay Ee Kililka Shanaad Cabdi Maxamud Cumar(Cabdi Ilay)Oo Ciidamada Milatariga Federaalka Itoobiya Qafaalad Ku Qaateen Iyo Meesha Ay La Tageen Oo Lagaran Layahay
August 7, 2018 - Written by Berbera Today
Jigjiga(Berberatoday.com)-Wararka inaga soo gaadhaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka la tageen .
Balse dad ku sugan Itoobiya ayaa inoo xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.
Ilaa hadda lama garanayo halka ay u kaxaysteen ciidammada militariga.hase yeeshee waxa la rajaynayaa in loo qaaday dhinaca magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.