Dalka Talyaaniga Laba Ruuxa Oo Ku Geeriyooday Gaadhi Dab Qabsaday
August 7, 2018 - Written by Berbera Today
Bologna(Berberatoday.com)-Booyad iyo gaadhi kale oo isku dhacay iyaga oo maraya waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada Bologna ee waqooyiga dalka Talyaaniga ayaa sababay dab iyo qarax wayn.
Muuqaal ay booliisku baahiyeen ayaa muujiyay booyadda oo dhanka dambe kaga dhacaysa gaariga xamuulka ah, waxaana istaagay adeegsigii waddadaas wayn.
Intaas ka dibna dab ayaa qabsaday, holac wayn ayaana ka kacay, qayb ahaan ayayna u burburtay buundadii ay adeegsanayeen gawaaridaasi.
Labo ruux ayaa dhimatay ugu yaraan 55 ayaana dhaawacantay, sida ay warbaahinta Talyaanigu tabisay.