Barlamaanka Ingiriiska Oo Hargeysa Usoo Diray Wefti Ukuur-gala Gargaarka Caafimaad Ee Ay Hay’adda DFID Siiso Somaliland
August 9, 2018 - Written by Berbera Today
Wasiirka caafimaadka oo Xafiskiisa Ku Qaabilay Weftigan Oo Ay Horkacaysay Haweenay Xubin Ka Ah Baarlamaanka UK
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda horunarinta caafimaadka JSL Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa kulan la qaatay wafti ay hogaaminayso gabadh ka tirsan baarlamaanka ingiriiska oo socdaal ku timi caasimada dalka ee Hargeysa, haweenaydan oo lagu magacaabo KATE OSAMOR waxa kulanka ay wasiirka la qaadatay oo ka dhacay xafiiskiisa ku wehelinayay safiirka Somaliland ee dalka ingiriiska Amb. Ayaan Maxamuud Cashuur.
Ujeedada socdaalka waftiga ayaa ahayd sidii ay u eegi lahaayeen gargaarka caafimaad ee ay hay,ada ingiriiska ah ee DFID siiso Somaliland u socdaan waxaanay booqdeen xanaanooyin Hargeisa ku yaala oo tageero siiyaan. Wefigu intii ay wasiirka kulanka kula jireen waxay ka wada hadleen sida ay u shaqeeyaan hay,adaha ay dawlada ingiriisku gacan siiso ee ka shaqeeya somaliland.