Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Oo Soo Jeediyey In La Qoro Taariikhdii Ururkii SNM
August 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa soo jeediyey in la qoro Taariikhdii Ururkii Dhaqaaqaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, si Jiilasha dambe u ogaadaan wixii loo soo maray Jamhuuriyadda Somaliland.
Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax wuxuu sheegay in Bulshada Somaliland tahay Bulsho hadal wax ku gudbisa, haddana ay muhiim tahay in la qoro Taariikhda Ururkii SNM, kaasi oo dagaal qadhaadh oo uu la galay Ciidammadii Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya ka dibm, xorreeyay Dalka Somaliland.