Dadweyne Tiro Badan Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Go’aan Dawladda Tunisia Soo Saartay & Saamaynta Diinta Islaamka :
August 15, 2018 - Written by Berbera Today
Tunis(Berberatoday.com)-Dawladda Dalka Tunisia ayaa waxay ku dhawaaqday go’aan aad u layaab badan oo ay ku sintay Saamiga Ragga Iyo Haweenka Dalkaasi ee Dhaxalka.
Kumanaan qof oo isugu jiray Rag iyo haween ayaa ka soo horjeedsaday go’aankaasi waxaanay bannaanbaxayo ballaadhan oo ay arrintaasi kaga soo horjeedaan ay ku qabteen dhammaan magaalooyinka Dalkaasi.