berberatoday.com
Madaxweynaha Dawlada Xamar Oo Booqasho Ku Tagaya Dalka Jabuuti Iyo Ujeedka Socdaalkiisa
August 16, 2018 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo khamiis ah booqasho ku tagaya dalka Jabuuti, si uu u qaboojiyo xiisada ka dhalatay safarkii uu bishii hore ku tagay Eritrea.

Related image

 

 

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalkiisa ay salka ku heyso xoojinta xidhiidhka labada dal iyo arrimaha Gobolka ka jira.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in safarka Madaxweynaha ee Jabuuti uu ka dambeeyay wada hadalo u dhaxeeyay madaxda labada dal oo khadka taleefanka ahaa, kaasoo lagu xalinayay mad madowga siyaasadeed ee labada dal soo kala dhex galay.

Dowladda Jabuuti ayaa walaac ka muujisay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Farmaajo intii uu ku guda jiray booqashadii uu bishii hore ku tagay Asmara, kaasoo ahaa in laga qaado cunaqabateynta saaran Eritrea.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid u janjeedhsatay Isbaheysiga Eritrea iyo Ethiopia ee dhowaan xulafada la sameystay Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika iyo loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas ayaa ka mid noqday saameynta ugu weyn ee ay wajaheyso Soomaaliya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews