berberatoday.com
Maraykanka: Muuqaal Lagu Dhex Duubay Qolka Loogu Ilaalinta Badan Yahay Oo Muran Dhaliyey
August 16, 2018 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-La-taliyihii hore ee Madaxweyne Trump Omarosa Manigault Newman ayaa si qarsoodi ah ku duubtay wada sheekeysi dhex maray iyada iyo agaasimaha Aqalka Cad John Kelly, iyada oo kadibna cajalladii ku faafisay warbaahinta.

Warka MaraykanakBalse dhibka jira ayaa waxa uu yahay in wada sheekeysiga uu ka dhacay Qolka Sirta ee Aqalka Cad, halkaas oo ah bugcadda xogteeda loogu illaalinta badan yahay Maraykanka, waxaana suurtogal ah in haweenaydan ay jabisay habraaca amniga ee dalkaas.

Ma cadda sababta Mr Kelly uu gabadhan u geeyay Aqalka Sirta marka horeba, halkaas oo ah darajada ugu sareysa ee amniga Maraykanka. Waxaase jiray in dad kale oo la shaqeeya xitaa uu halkaas ku waraystay sida uu qorey wargeyska Axios.

Haweenaydan ayaa sheegtay in sababta ay wada sheekeysiga u duubtay uu ahaa in ayna aaminsanayn Madaxweynaha iyo agaasimaha in ay hadhoow runta ka sheegi doonaan sababtii ay shaqada oga tagtay, sidaas darteedna ay u baahnayd caddeymo.

Balse go’aankeeda ah in ay duubto hadalka, kadibna faafiso ayaa dibadda u soo saaray arrimo muhiim ah, waxaana la ‘isweydiinayaa waxyaabaha banaan iyo kuwa reebban ee ku saabsan Qolka Sirta.

Qolkan waxaa la dhisay sanadkii 1961-kii, waana halka lagu hayo sirta loogu illaalinta badan yahay ee Maraykanka, kana dhacaan shirarka aadka xasaasiga u ah ee lagu kala war qaato si maalinle ah, waana qolka ay kasoo fulaan xogaha Madaxweynaha maalin kasta loo sheego.

Sida uu qabo Steven Aftergood oo ka tirsan ururka seynisyahanada Maraykanka, kaas oo ku takhasusay sirdoonka dowladaha ayaa yidhi “Waa bugcadda ugu xasaasisan ee ku taala geyiga Maraykanka, waana halka laga bixiyo amarada ciidamada Maraykanka, xitaa amarada la xidhiidha hubka Niyuukleerka, waana halka hawlgalada sirdoonka ay fuliyaan lagala socdo” ayuu intaas ku daray.

Qolkan waxa uu aad u soo caan baxay kadib markii Aqalka Cad uu soo bandhigay sawirro muujinaya madaxweynihii Maraykanka Barack Obama oo Qolka Sirta kala socda hawlgalkii lagu dilay hoggaamiyihii Al Qaacida Cusama Bin Laden.

Marka laga tago in ay tahay meel nabdoon oo uu madaxweynaha kala socon karo arrimaha banaanka ka dhacaya, waxa uu qolkan leeyahay nidaam lagu kala hufi karo xogaha sirta ah.

Saacad saacad, iyo maalin kasta, ayaa askarta isku badasha illaalada qolkan ay indhaha ugu hayaan waxyaabaha waaweyn ee adduunka ka dhaca, kuwaas oo laga yaabo in ay Maraykanka micno u samaynayaan, si madaxweynaha loogu gudbiyo kuwa muhiimka ah.

Waxa uu ku yaalaa gunta hoose ee Aqalka Cad, waxaana uu ka kooban yahay dhawr qol sida ay sheegeen dadkii halkaas shirarka kaga qeybgalay.

Waxa kaliya ee qolkaas loo ogolyahay dadka haysta ogolaanshaha amni ee ugu sareeya.. Dadkan waxaa kala xula hay’adaha sirdoonka Maraykanka, waxaana xitaa la baadhaa sida ay tahay in ay u dhaqmaan marka ay qolkaas ku jiraan.

Qofna looma ogola in uu la galo taleefoon ama xitaa qalab elektaroonik ah “Taleefoonka waxaad ku rideysaa sanduuq yar oo banaanka yaala, furaha ayaad shirka la galaysaa” ayuu yidhi Brett Bruen oo ka tirsanaa maamulkii Obama.

Hase yeeshee ma jirto meel la isku baadho marka laga galayo Aqalka Sirta, sida uu sheegay Mr Bruen.

Siyaabo kale ayaa sharciga loo dhaqangaliyaa, iyada oo dadka halkaas galaangalka u leh ay iyaga is xilqaamaan.

Dad badan ayaa aad ula yaabay xogta ay duubtay, isla-markaana faafisay, balse waxaa la sheegay in xogta ay faafisay ayna ahayn sir weyn oo mamnuuc ay ahayd in la faafiyo, hase yeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay in ay jabisay sharciyada Aqalka Sirta.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews