Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhey Jabuuti Kulana La Yeeshay Madaxweyne Geele Iyo Arinmaha Ay Ka Wada Hadleen+Sawiro Iyo Muuqaal
August 17, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.comn)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.