Xukuumadda Oo Sheegtay In Mashruucii Laga Fulinayey Deegaanka Beer La Isku Af-garan waayey
August 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inay Odayaasha deegaanka Beer isku Afgaran waayeen in Wasaaraddu halkaa ka fuliso Mashruuc Beeris ah.
Wasiirka Horumarinta Beeraha oo Shalay Waraysi siiyey Telefiishanka Eryal ayaa sheegay in Dadka deegaanka Beer u sheegeen inay ka baqayaan in Dawladdu kala wareegto Dhulka Beer, sidaasi darteedna ay isku afgaran waayeen in laga fuliyo Mashruucii Beerista.