Xogo Tibaaxay Dawladda Somaliya Oo Dabada Ka Riixaysa Mashruuca Jabhadaynta Caarre Iyo Doorka Masuuliyiinta Beesha Caarre Kaga Jira Xukuumada Muqdisho
August 17, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Tan iyo intii Sarkaal Siciid Cawil Caarre oo hore uga tirsanaan jiray Saraakiisha Ciidamada Qaranka ee Gobolka Sanaag uu Maamul Goboleedka Puntland kaga dhawaaqay Jabhad uu kala hor iman doono Somaliland ayaa waxa isa soo taraya xogo hoose oo la xidhiidha doorka Dawladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland ku leeyahay la dhacsanaanta fikraddaasi iyada oo ay soo baxayaan iyana doorka ay arrintan ku leeyihiin Masuuliyiinta Dawladda Federaalka kaga jira Beesha Caarre ka soo jeedo.
Ilo-wareedyo u dhuun-daloola Xaaladdii ugu dambaysay ee Siciid Cawil Caarre iyo askarta uu ku urursanayo degmada Qardho ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa ay tibaaxayaan in dhawaan ay Puntland yimaaddeen Masuuliyiin Sare oo dhawr ah oo Beesha Siciid Cawil Caarre ugu jira Dawladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo u socday sidii ay Puntland ugala hadli lahaayeen dacmi ama taageero la siiyo Taliye Caarre si ay ugu suurto gasho saldhigga uu ka dhisanayo Puntland ee jabhadaynta ah oo ka dhan ah Somaliland taasi oo ay masuuliyiintaasi soo dhawayn ballaadhan kala kulmeen Maamulka Puntland oo u sheegay in taageero hagar la’aan ah ay siin doonaan inkasta oo cadaadis kaga imanayo Jihooyin ay ka mid yihiin beesha Caalamka iyo gaar ahaan Urur Goboleedka IGAD oo Soomaaliya ku cadaadinaya in mashruuca Caarre la joojiyo.