China: Wiil Liqay 87 Xabo Oo Masaabiir Ah Kadib Markii Ay Is Khilaafeen Gabadh Uu Jeclyahay !
August 17, 2018 - Written by Berbera Today
China(Berberatoday.com)-Wiil da’diisu tahay 25 jir una dhashay Dalka China ayaa ka badbaaday dhibaato ay sababeen 87xabo oo Masaabiir ah oo uu liqay kadib markii ay is khilaafeen gabadh uu jecel yahay.
Sida lagu Baahiyey Wargeyska Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay wiilkan ayaa waxa uu ku noolyahay Gobolka Hunan ee Dalkaasi waxaana wiilkaasi loola carraray isla markii uu Masaabiirtaasi liqay dhakhtar magaciisa la yidhaahdo Tengshtan.