“Cabdi Ilay Waxa Loo Haystaa Tacadi Iyo Gumaad Uu Ka Gaystay Dhulka Somalida Iyo Deegaanada Oromada Waana Nin…”
August 19, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-lagu sheegay in Madaxwaynihii hore ee Somalida Itoobiya Cabdi Ilay loo haysto dilal badheedha oo uu u gaystay Somalida Iyo Oromada Isla markaana lagu maxkamadayn doono sobobta uu ciidamada Liyuupooliiska ugu isticmaalay inuu ku gumaado Oromada waa sida uu shaaciyay Dr Nagire oo ah afhayeenka Oromia.
Cabdi Ilay waa xidhnaanayaa waxaana kiiskiisu noqonayaa mid lagu ogaanayo in madaxii Sirdoonka Itoobiya ee hore u isticmaalay awoodiisa inuu dalka khalkhal galiyo ayuu raaciyay masuulkaasi,arinatani sahaalo maaha dad walaalo ah oo taariikhda waligood colaadi dhexmarin ayuu dab qabadsiiyay ayuu yidhi afhayeenku.