berberatoday.com
Puntland Oo Isku Abaabulaysa Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland Iyo Farriintii U Dambaysay Ee Garoowe Ka Soo Duushay
August 20, 2018 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ilaa hadda iska diyaarinaya Dagaal ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan Degmada Tuke-raq oo Ciidammada Milletariga Somaliland ka saareen 8 bilood ka hor.

Warka PuntlandMaamulka Puntland oo aaminsan in Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay dhulkooda ka mid yihiin, ayaa wacad ku maray inay dagaal ku soo qaadaan Ciidammada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh duleedka Degmada Tuke-raq, waxayna meesha ka saareen in Wada-hadal nabadeed lagu dhameeyo Khilaafka khuseeya Xuduudka ee u dhexeeya Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ah Guddiga difaaca Puntland oo Shalay Saxaafadda kula hadlayey Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Wada-hadal nabadeed oo Puntland la yeelato Somaliland ay ku xidhan tahay in Ciidammada Somaliland ka baxaan Gobolka Sool “Haddaad wada-hadal dooneysaan waa inaad ku laabataan dhulkii aad deegaanka u lahaydeen, waa inaad ku laabataan dhulkii isirkiina iyo dadkiinu degganaa, laakiin ma jiro cid wada-hadal lagala galayo Sool iyo Sanaag.” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

Qarjab, wuxuu beeniyay wararka ku sheegaya in heshiis hordhac ah ay Puntland kala gashay Somaliland xaaladda deegaanka Tukaraq, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidammo labada dhinac ah tan iyo bishii January ee sannadkan, wuxuu inta ku daray inayna jirin wax wada-hadal ah oo labada dhinac dhex maray iyo wax heshiis ah oo ay kala saxeexdeen.

Docda kale, Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo guddiga difaaca ka mid ah ayaa sheegay inuu dagaal dhacayo haddii ayna Somaliland ka bixin deegaano uu sheegay inay ku soo duushay “Shacabka Puntland waxaan u sheegaya dagaal wuu dhacaya.. walaahi wuu dhacayaa dagaal haddii ayna Soomaaliland ka bixin deegaannada ay ku soo duushay…” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland.

Illaa hadda waxaan wax natiijo ah oo wanaagsani ka dhalan Dedaallo nabadeed oo ay labada dhinac ka dhex wadeen Qaramada Midoobay, IGAD iyo Waxgaradka labada dhinac, kuwaasi oo si iskood ah iskaga dab-qaadayey.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews