Raisul Wasaaraha Dawlada Itoobiya Oo Amray In Lasoo Xidho Madaxii Hore Ee Sirdoonka Itoobiya Iyo Danbiga Loo Haysto
August 22, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com0-Getachew Assefa wuxuu ahaa madaxii ugu sareeyay hay’adda sirdoonka Itoobiya, waxaa amar lagu bixiyay in la soo xidho isaga oo ku eedeysan in uu galay danbi-yo kala duwan muddadii uu xilka hayay.

Waxaa la sheegay in uu muddo bil ah ku qaatay hotel aan magaciisa la sheegin oo ku yaala magaalada Mekelle, ka hor inta uusan u baxsan dalka Suudaan.