Xoghayihii Raisul Wasaare Kuxigeenka Dawlada Xamar Mahdi Guuleed Oo Hargeysa Lagu Xidhay
August 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ah Xoghayaha raysal-wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar
Cabdiqani Yaasiin Maxamed ayaa xalay goor dambe ay ciidamada Somaliland kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa isaga oo dhawaan Ka yimi magaalada Muqdisho.
Laamaha ammaanka ee Somaliland kama hadlin sababta ay u xidheen ninkan hase yesshee waxa uun ay u eegtahay inay la xidhiidho xilka Xoghayenimo ee uu Dalka Somaliya ka Hayo madama oo aan Somaliland laga ogolayn masuul Xil ka haya Dawlada Xamar inuu dalka Somaliland iska soo galo isaga oo aan Cafis loo fidin oo aan Mawqifkiisa Somaliya ka tanaasulin.