Hoggaamiyihii ISIS Ee Afghanistan Oo Duqeyn Lagu Dilay
August 27, 2018 - Written by Berbera Today
Afghanistan(Berberatoday.com)-Hogaamiyihii ISIS ee dalka Afganistan oo mas’uul ka ahaa weerarradii dhawaan dhacay oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah, ayaa lagu dilay weerar diyaaradeed oo Mareykanku qaaday, sida ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen Fox News Axaddii.
Afhayeen u hadlay madaxweynaha Afghansitan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay dhimashada hoggaamiyaha ISIS-K, Abu Sayeed Orakzai.
“Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa dadaallada aan kala go ‘lahayn ee ka dhanka ah dagaalka lagula jiro ISIS, iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee caalamiga ah” O’Donnell u hadlay dhinaca Mareykanka.