Berbera”Cabsi Laga Qabo In Mar Kale Shidaalkii La Xayiray Ee Xabagta Lahaa Dib Ugasoo Baxo Haamaha Shidaalka Berbera Iyo Sababta Soo Sareysa Oo La Ogaaday
August 27, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Sanadkan Horaantiisii ayay ahayd markii dalka la keenay shiidaal wasakhaysan oo xabag leh kaas oo waxyeelo iyo khasaare bahsanugaystay gaadiidka Yaryar ee Batroolka ah
Hadaba Khatartii Shidaalka Xun oo wali Kasii Guuxaysa darwalada Baabuurta Ayaa Xiligan waxaa walaac ka Jiraa in Shidaalkaasi Mar labaad Debada Uga soo baxo Haamaha Shidaalka Berbera,
Illo Xog Ogaala Ayaa sheegaya in Shidaalkaasi oo Mudaba Ku xayirnaa haamaha Shidaalka Berbera in Maamlimihii u danbeeyay qaybo kamida oo Lagu Badhxay Shidaal Nadiifa ahaa Laga soo iibiyay kaalmaha shidaalka ee wadanka qaarkood qorshahaasna ay soo dajisteen shirkadihii Maamulka Hamaha haystay ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland ruqsada kala noqday.