Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Dalka Sudan Oo Muqdisho Soo Gaadhay Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
August 27, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhaweeyay maanta magaalada Muqdisho, taliyaha hay’adda sirdoonka dalka Sudan Gen. Salah Abdalla Mohamed (Salah Gosh)

Warkan oo lagu daabacay bogga sida goor dhow lagu shaaciyay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa soo dhaweeyay wafdi uu horkacayay taliyaha hay’adda Sirdoonka dalka Sudan (NISS) oo booqasho rasmi ku yimid magaalada Muqdisho.