berberatoday.com
Dad Ajaanib Ah oo Lagu Laayay Dalka Koonfur Afrika iyo Boob Xoog Leh Oo Ka Socda Goobaha Ganacsiga
August 30, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyey in laba qof lagu dilay isku dhacyo dhex maray dadka wadankaasi iyo ajaanibka ku nool isku raranta Soweto.

Tukaamo ay leeyihiin dadka anaanibka ahi ayaa la fadhataystay waxaanu qalalaasu ku baahay xaafadda.

Qalalaasaha shisheeye nacaybka ahi Koonfur Afrika kol ba mar buu ka qarxaa, waxaana sii huriya shaqo la’aanta badan iyo saboolnimoda.

Dhacdadaa dhibaatada badan ee wax lagu bililiqaysanayo ayaa ku fidday dhawr meelood oo Soweto ka mid ah. Waxaanay ka bilaabantay tukaan keliya oo ay dadka halkaa degani sheegeen in ninka leh oo Soomaali ahi uu toogtay wiil dhawr iyo toban jir ah iyo saaxiibkii oo sida la sheegay damcay in ay tukaankiisa u dhacaan.

Booliska ayaa rumaysan in dhacdadaasi hurisay isku dhacan dhimashada keenay. Dadka xaafaddaa degan ayaa sidoo kale ku eedeeyey kuwa tukaannada leh in ay iibiyaan cunto dhacday.

Fariin lagu baahiyey WhatsApp-ka oo dadka Koonfur Afrika is weydaarsanayeen ayaa ahayd digniin loo diray qof kasta oo Soomaalida guri ka kireeyey waxaanay faraysay in ay ka saaraan. Sida ku cad fariintaa hadii laga baaqsado fulinta digniintaa wixii ka dambeeya 8 Sebtembar waa la gubi doonaa tukaamadaas.

Tukaamo badan oo ku yaalla xaafadaha ku dhex yaal isku raarantaas ayaa waxa leh dad shisheeye ah oo ka tagay dalalka Afrika waxaana ka mid ah dad u dhashay dalalka Itoobiya, Zimbabwe iyo Pakistan. Kuwo badan oo ganacsatadaas ka mid ah ayaa durba xidhxidhay agabkoodii oo ka baxaya xaafaddaa isku raranta ah iyagoo ka cabsi qaba in qalalaasuhu ka sii daro.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews