berberatoday.com
Dawlada Iran Oo Si Qarsoodi Ah Gantaaleheeda Rida Dheer Leh Ugu Daabushay Dalka Ciraaq Iyo Xogo Sir Ah Oo La Ogaaday+Ujeedkeeda
September 3, 2018 - Written by Berbera Today

Iran(Berberatoday.com)-Dawladda waddanka Iran ayaa waxa markiiugu horraysay la ogaaday in ay si qarsoodi ah gantaalaheeda riddada dhexe ugu daabushay goobo ay ka samaysatay gudaha dalka Ciraaq.

Image result for Gantaalaha Ridada Dhexe

Saraakiil ciidamada sirdoonka ah ayaa waxa ay sheegeen in gantaalihii ugu badnaa ay dawladda Iran gaysay gudaha dalka Ciraaq iyada oo ay halkaasi ku suganyihiin cutubyo ka tirsan ciidamada Al Qudus oo garab ka helaya ciidamada ay gacansaarka la leeyihiin ee Shiicada ah.

 

 

Wakaaladda wararka ee Reuters oo warkan baahisay ayaa waxa ay sheegtay in xogtan ay ka heshay saraakiil ka mida ciidamada Sirdoonka Iran, Ciraaq iyo qaar reer galbeed ah waxaana ay sheegtay in Iran gantaalaheeda Balaastikada ah ee riddada dhexe ay gaysay Ciraaq.

Taatikadan ayaa waxa ay noqonaysaa mid Iran ay ku sii adkaynayso awooddeeda bariga dhexe kuna samaysanayso dhufaysyo ciidan oo ay ka duqeyn karto dalalka kasoo horjeeda ee gobolka gaar ahaan Suciidiga iyo Yuhuuda.

Gantaalaha Iran ay gaysay dalka Ciraaq ayaa waxa ka mida noocyada Faatix110 iyo Salsaal oo gaadhi kara Masaafo dhan 200km illaa 700km kuwaasi oo gaadhi kara magaalooyinka Riyad iyo Telaviv haddii laga soo tuuro koonfurta iyo galbeedka dalka Ciraaq.

Iran ayaa waxa ay ugu talo gashay in haddii lasoo weeraro ay isku difaacdo goobahan ay ka samaysatay Ciraaq islamarkaana ay dhulka la sinto magaalooyinka Riyaad iyo Telaviv.

Arrintan ayaa waxa ay cirka kusii shareeraysaa khilaafka u dhexeeyay maraykanka iyo Iran sidoo kale waxa ay niyad jab ku noqonaysaa waddamada France,England, Germany iyo dhammaan midawga yurub oo dedaal ugu jiray inay badbaadiyaan heshiiskii Iran la gashay quwadaha adduunka ee dhawaan uu maraykankunka baxay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews