Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo La Sheegay Inuu Xabsiga Ku Xanuunsanaayo Iyo Hooyadiis Oo Warbaahinta La Hadashey
September 6, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaadhaya dalka Itoobiya waxaa xabsiga ku xanuunsanaya Madaxweynihii dowlad deegaanka Somalida Itoobiya.
Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la sheegayaa in xilligaan uu dareemaayo xanuun, isaga oo ku jira xabsiga.
Hooyada dhashay Madaxweynihii dowlad deegaanka Somalida Itoobiya oo muuqaal laga soo duubay kaga hadashay xaaladda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxa ay sheegtay xanuun inuu dareemaayo xilligaan.