Itoobiya, Soomaaliya Iyo Eritrea Oo Heshiis Wada Saxeexday
September 6, 2018 - Written by Berbera Today
Asmara(Berberatoday.com)-Dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku wada saxeexday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
“Heshiiskan ayaa dhigaya in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar,” sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.