Dagaal Ka Dul Socda Markab Ku Soo Caariyay Mid Kamid Ah Xeebaha Somaliya
September 8, 2018 - Written by Berbera Today
Boosaaso(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya degaanka Galhagoog oo 270-KM dhanka Bari kaga began magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culusi xalay fiidnimadii.

Dagaalka oo leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay isku qabsadeen Markab ku soo caariyay xeebta Galhagoog oo u dhaw Budbud.