Daawo Muuqalka”Gudoomiyaha Jamacada Burco Oo Qiray Inaanay Madaxweynaha Ku Casuumin Xaflada Qalin Jabinta Ardayda
September 8, 2018 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha jaamacada Burco Prof Saleeban Dirir Cabdi ayaa waxaa uu ka hadley war saxaafadeed xalay uu saaray madaxweyne Muuse Biixi oo lagu sheegay in sababta uu madaxweynuhu qalin jabinta Jaamacada Burco uga qeyb gali waayey ay tahay kadib markii lagu casuumi waayey
Prod Saleeban Dirir ayaa sheegay in ay run tahay in aan Madaxweynaha Lagu Casuumin balse qalin jabintooda ay ogeysiiyeen Wasaarada Waxbarashada oo ay hoos tagaan .
Sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacada Burco ayaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland ku dhaliilay qaabkii uu u qornaa War Saxafadeedkii xalay soo baxay