Jimicsiga Luguhu Waxa Uu Ka Hortag Fiican U Yahay Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca
September 8, 2018 - Written by Berbera Today

WashingtonCilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in jimicsi fudud oo lugaha loo sameeyo 10 daqiiqo oo keliya maalintii ay ka hortag fiican u tahay dhibaatooyinka caafimaad darro ee sababtoodu tahay fadhiga badan, gaar ahaan wadne xanuunka. Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in fadhiga waqtiga badan ee gaadhaya lix saac maalintii la fadhiyo, gaar ahaan dadka xafiisyada ka shaqeeyaa, uu sababo hoos u dhac ku yimaadda burqashada dhiigga ee caawisa wareegga dhiiggu uu ku gaadhayo, waaxyaha, xubnaha iyo unugyada jidhka. Waxa aanu raad caafimaad darro ku yeeshaa awoodda ay halbawlayaasha dhiiggu u leeyihiin in ay kala baxaan si ay u qaadi karaan korodhka burqashada dhiigga marayaa. Waana halka ay ka bilaabmayso khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.