Akhriso :- War Wurtiyeed Maxay Ku Heshiiyeen Itoobiya Eritrea , Jabuuti Iyo Somaliya
September 8, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo booqasho wadajir ah ku tagay dalka Jabuuti si loo dardar galiyo dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka Jabuuti iyo Eritrea oo xumaa muddooyinkii u dambeeyay, ayaa kulan halkaas ku yeeshay.
Gabagabadii kulanka ay ku yeesheen magaalada Jabuuti wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran.