Dawladda Dalka Shiinaha Oo Tiradda Wadamadii Ka Qayb Galay Shirkii Shiinaha Iyo Afrika Shaacisay
China(Berberatoday.com)-Dawladda Dalka Shiinaha ayaa sheegtay in ay heshiis is afgarad la gashay 37 dal oo ka mid ah wadamada Qaaradda Afrika, heshiisyaddas oo isugu jira mashaariic dhisme iyo kuwo kale oo ganacsi .Waxaanay dawladda Shiinuhu sheegtay in ay heshiisyaddaasi ku jiraan wadooyin loo dhisaayo dalalka Afrika , iyada oo intaas ku dartay in 70% ay yimaadeen wadamada 53 ka dal ka kooban ee Afrika shirkii Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhowaan lagu soo gebo gebeeyey magaaladda Beijing .
Xia Cheng oo ah madaxa Koomiishanka Dib u habaynta iyo Horumarinta Shiinaha ayaa sheegay in 28 dal ay heshiisyo cusub la saxeexdeen dalka Shiinaha intii shirkani socday, halka ay 9 dal oo kalena hore ula saxeexdeen heshiis kan la mid ah.