“Hantidhawr Wax La Yidhaahdo Oo Shaqeeya, Oo Jiraa Ma Jiraan”Eng. Maxamed Xaashi Cilmi”Daawo Muuqal
September 9, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii hore ee maaliyada ayaa soo dhaweeyay dib u diiwaangalinta hantida maguurtada ah ee dawlada, waxaanu ku tilmaamay dhibaatada gaadhay dalka iyo hantida ma guurtada ah mid aan laga gayoon karin.
Waxa uu Maxamed Xaashi Calmi sheegay in dalku dhanka uu ka fadhiyaa ay tahay in hantidhawrkii qaranka, xeer ilaalintii iyo waliba baarlamaankii ay noqdeen kuwo aan shaqaynayn, waxaanu dalka inuu dulsaar ku yahay uu ku tilmaamay hantidharka qaranka.