Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Sheegay Inay Xidhiidhka Ujareen Dawladda Federaalka Ah
September 9, 2018 - Written by Berbera Today
Kismaayo(Berberatoday.com)-Madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo tan iyo Salaasadii magaalada Kismaayo ku kulansanaa ayaa warmurtiyeed ay maanta soo saareen ku sheegay in ay xidhiidhka u jareen dawladda Federaalka.
Laba qodob oo kala ah amniga iyo siyaasadda ayey u sababeeyeen, kuna soo koobeen xidhiidhka xumaaday ee labada dhinac.
Labadaas qodob oo ay aad uga hadleen warmurtiyeedkooda marka laga yimaado, waxay sheegeen in ay ” ka quusteen in dawladda dhexe meel mariso heshiisyadii iyo ballamadii hore loo galay, taas beddelkeedana waxay wada shaqayntii dawladdu ka doorbidday faragelin gurracan oo ay ku hayso dawlad goboleedyada, taasoo dhaawacday kalsoonidii wada shaqayn ee labada dhinac dhex mari lahayd” ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka.